preloader
Edit Content

About Us

We must explain to you how all seds this mistakens idea off denouncing pleasures and praising pain was born and I will give you a completed accounts off the system and expound.

Contact Info

Jugta ilkaha ku dhacda sidee loola tacaamulaa (Emergency Dental Trouma )?

Haddii aad la kulanto xaalad degdeg ah oo ay jug culus kugu dhacdo sababtana inuu iliggu kaasoo dhaco oo uu dabada yimaaddo ka hor inta aanad dhakhtarka gaadhin  tallaabooyinkan hoos ku qoran raac.

1. Sidaynu aynu wada ognahay iliggu wuxuu ka kooban yahay laba qaybood: qaybta cad ee inoo muuqata(crown) iyo qayb jirrida ee uu lafta kula jiro(root). kolka aad dhulka kasoo qaadaysid ha qaban qaybta uu lafta kula jiray(root) ee qabo qaybta sare ee cad(crown).

2. Waxaa suurto gal inuu meel wasakhaysan ama ciid leh ku dhacay oo ay wasakhi fuushay iligga.

    ❌Ha isku dayin inaad maro kaga masaxdo wasakhda!!

    ❌ Sidoo kale ha isku dayin inaad Toothpaste ama Brushka cadayga isna aad kaga masaxdo!!

    ❌ Hana u dhawayn biyo saabuun/taydh leh!!

    ✔  Kaliya adiga oo iliggii xagaa sare haya hoos dhig biyo qasabadeed ama biyo xaga sare aad kaga keentay(running water) oo nadiif ah.

    3. Kolka aad iliggii nadiifiso isku day inaad godkiisii(socket) ku celiso(reposition). Fadlan qaniin maro yar ama gauze si aanu mar labaad iliggu usoo dhicin.

    4. Haddii aanay suurto gal ahayn in iligga godkiisii lagu celiyo oo dhaawac wayni jiro ama carruur yahay qofka jugtu ku dhacday. Ku ilaali iligga meel  qoyan. Qoyaankuni saddex mid uun noqon karaa.

    A, Qofka afkiisa adigoo dhigaya canka ama carrabka hoostiisa waana qoyaanka ugu wanaagsan in lagu ilaaliyo.

    B. Inaad ku riddo koob caano aad ku shubtay siiba caano lo,aad.

    C. Sidoo kale haddii uu farmasi kuu dhawyahay ku rid koob aad Norma saline aad ku shubtay.

    5. La gaadh halka dhakhtar ilkood kuugu dhaw muddo soddon miridh(30 minutes) gudahood ah.

    Wakhtiga uu iligu ku samato bixi kara waa saacad ilaa laba saacadood(Maximum survival time “1 to 2hours”).

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *