Waa maxay Dahaadhku iligga ama ilkaha galiska ahi( Dental Crown and Bridge)? Dahaadh(Dental crown); Waa ilig u eeke lagu dahaadho iligga kolka gidaarada iligga uu Suusku dhammeeyo ama jug iligga soo gaadhay saddex meelood ay laba meel jabtay. Ilkaha galiska…
Waa maxay Nadiifinta ama Dhaqidda ilkuhu(Scalind and Polishing)? Nadiifinta ilkuhu Waa hab lagaga nadiifinayo dhagaxa/shucaabiga ama huurada ku samaysma halka cirridka iyo Iliggu isaga yimaaddaan ama Cirridka hoostiisa.
Waa maxay dhuux daawayntu(Root Canal Treatment)? Dhuux daawayntu waa hab lagu daweeyo iligga marka uu suusku ama jabniinku gaadho dhuuxa ama neerfaha iligga kusoo jira. Sidoo kale kolka uu iliggu infection sameeyo.
Goorma ayaa iligga la buuxiyaa(Dental Filling)? Iligga waxa la buuxiyaa marka uu Suus galo inta aanu dhuuxa gaadhin, ama ka bacdi marka dhuux daawayn loo sameeyo, iyo kolka iligga ay jug ku dhacdo ee uu jabo, ama uu dillaco.