Waa maxay qalliinka Cirridka lagu qurxiyo? Qalliinka cirridka(Gingivectomy); Waa qalliin fudud oo lagu sameeyo Cirridka, kolka uu xoog u bararo ama u waynaado, sidoo kale waxa kale loo sameeyaa qalliinkan dadka leh ‘Gummy Smile’. iyadoo loo samaynayo hab casri.
Waa maxay Veneers? Veneers ku waa lakab lagu qurxiyo ilkaha iyada oo aan la qorin ama la yarayn iligga.
Waa maxay Cirrid beeristu (Gingivoplasty)? Waa hab lagusoo celiyo kolka uu cirridku qaddmo ama go,a.
Qalliimada ilkaha aasan iyo Gaws danbeedyada qallooca usoo baxa? Qalliimada ilkaha aasan(Impacted teeth) iyo Gaws danbeedyada qalloca usoo baxa waxa lagu saraa qalliin, waxaana nooga dhakhtar ku takhsusay qalliimadaas(Maxixllo facial Surgeon)
Waa maxay Beerista ilkahu(Dental implant)? Beerista iligga/ilkuhu waa hab lagusoo celiyo iliggii kaa maqnaa ama ilkihii ka maqnaa iyada oo bool(Titanium post) la galinayo lafta daanka ka dibna lagusoo dul dhisayo ama la galinayo dahaadh.
Jugta ilkaha ku dhacda sidee loola tacaamulaa (Emergency Dental Trouma )? Haddii aad la kulanto xaalad degdeg ah oo ay jug culus kugu dhacdo sababtana inuu iliggu kaasoo dhaco oo uu dabada yimaaddo ka hor inta aanad dhakhtarka gaadhin tallaabooyinkan…
Ilkaha Carruurnimo malla dawayn karaa? Waalidku waa in uu ka war hayo in ilmaha yar cirridka loo nadiifin karo, ilkaha carruurnimo dhuux daawayn loogu samayn karo, sida oo kale buuxin loo samayn karo.
Birta Ilkaha lagu qurxiyo(Braces)? Birta ilkaha waxa lagu toosiyaa ama lagu saxaa ilkaha raaran, kuwa qallooca, Afka furan, Qaniinyada ilkaha, kuwa hore usoo baxsan, ilkaha guda jira iyo gawsaha is khaldan isu dhaafsan. Da,ada ugu habboon ee loogu xidhi karo…
Caddaynta Ilkaha(Teeth Whitening) Caddaynta ilkaha waxa la sameeyaa kolka ilkaha midabkoodu is beddelo, Inta badan Midabka ilkaha waxa beddela Balwadaha qaar sida: Sigaarka iyo Qaadka. Waxa kale oo beddeli kara cuntoooyinka qaar, Shaah iyo Bunka, Dabarka/Magaraka iyo Daawwooyinka qaar. Jug…